3717 Views

Shirki Kismaayo oo Dib u Dhacay

____________________________________________________________________________

Xasan-iyo-Madoobe-Kismaayo-280x175

Muqdisho, 13 January 2016: Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ku soo dhoweeyay marka uu k degay garoonka diyaaradaha Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Madaxweynaha Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale meesha ku sugnayd.

Madaxweynaha ayaa waxaa la socday Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland, kuwaasoo shalay ka qeyb galay munaasabadii furitaanka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ayada oo la sugaayay in M/weyne Xasan Sheekh uu furo Shirka wada Tashiga, ayaa gor dhow Axmed Madoobe ku dhawaaqay in shirki dib u dhac ku yimid, asagoo an sheegin sababta dib u dhacaa keentay. Waxa uu intaa ku daray in Shirka uu berri la furi doono.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment