3465 Views

Lix qodob oo lagu taageeraayo Soomaalia ayaa jaamacada Carabta soo saartay.

Lix qodob oo lagu taageeraayo Soomaalia ayaa jaamacada Carabta soo saartay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14 January 2016:  Baarlamaanka Wadamada Jaamacadda Carabta, ayaa waxaa uu soo saaray Bayaan lagu sheegay in looga hortagaayo kala qaybsanaan ku timaada Somalida dhexdeeda, iyadoo la ilaalinaayo midnimada Somaliya

Bayaankan, ayaa waxaa lagu sheegay in Jaamacadda Carabta ay garab taagan tahay Somaliya, bacdamaa ay Somaliya xubin ka tahay 22-ka wadan ee jira Dallada Jaamacadda Carabta.

Waxaa Bayaanka ku qornaa qodobo muhiim ah oo taageero wayn loogu muujiyay madax bannaanida iyo nabadgelyada Somaliya.

Qodobada Bayaanka, ayaa u qornaa:-

In laga hortaggo kala qaybsanaan Somalida dhexdeeda ah

In la xaqiijiyo, lana raadiyo midnimada iyo wadajirka Ummada Somaliyeed

In dib u heshiisiin loo sameeyo dhinacyada Somalida, si ay isugu soo dhawaadaan

In lala dagaalamo kooxaha argagaxisada iyo kooxaha kale ee diidan midnimada Somaliya

In ay muhiim tahay ilaalinta badda iyo xasiloonida Somaliya

In laga hortaggo cid kasta oo damacsan inay fara-gelin ku samayso madax bannaanida Somaliya.

Bayaankan wuxuu ku soo beegmayaa xilli xasaasi ah, waxaana xusid mudan in Kenya si xoogan loogu eedeeyay inuu damac ka soo galay qayb ka mid ah badda Somaliya. Bayaanku wuxuu hiil u yahay Somalida iyo madax banaanideeda.

 

 

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment