4236 Views

Qowmiyadaha Banaadiriga, Baraawe iyo Bantu oo ku midoobay hal dalad baaq wada jir ah soo saaray.

Qowmiyadaha Banaadiriga, Baraawe iyo Bantu oo ku midoobay hal dalad baaq wada jir ah soo saaray.
____________________________________________________________________________

Columbus, Ohio | QOL | January 10, 2016 – Shir balaaran oo ay ka soo qeyb galeen aqoonyahano, siyaasiyiin, culumaa’udiin, indheer garad, iyo haween kasoo jeeda seddexdaan qowmiyadood ee kala ah Banaadiri, Baraawe, iyo Bantu ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Columbus, Ohio.

Shirkaan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa durbaba soo dhaweeyeen iyo taageero baaxad leh ka helay mas’uuliyiin ka tirsan dawlada mareykanka gaar ahaan Senatoro iyo madax kale oo fara badan kana tirsan aqalada hoose iyo sare ee dawlada mareykanka.

Ka dib muddo dheer oo shirar iyo kulamo isdabo-joog ah iyo maalmo shaqo adag iyo kulumo gaar ah iyo kuwo guud oo ay isagu yimaadeen qawmiyadaha Banaadiriga, Baraawe, iyo Bantu (B.B.B. ) ee ku nool waqooyiga ameerika ayaa waxaay lagu go’aamiyay inay ku midoobaan hal dalad, isbaheysi wadajir ahna ku dhawaaqay.

Hadaba isbaheysigan oo hadafkiisa kawaad yahay raadinta, dabagalka,u-doodida iyo soo dhincinta xuquuqdooda siyaasadeed iyo degaanada ay kasoo jeedaan qowmiyadahaan.

Isbaheysiga Banaadiriga, Baraawe, iyo Bantu oo ah dadka asal ahaan ayagu leh degaan weynaha laga bilaabo magaalada Muqdisho ilaa raskambooni ayagoo ka anba-qaadaya mabaadi’da kor ku xusan waxay wadar ahaan heshiis ku qaateen qodo-bada soo socda

1) In meel ay qowmiyadahaan ugu soo wada jeestaan sidii ay xaquuqdooda iyo degaanadooda ka maqan usoo dhacsan lahaayeen iyadoo la raacayo sida sharciga waafaqsan.

2) Isbaheysiga waxay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan danahooda guud sida xagga siyaasada guud, wax wada qabsiga, iyo derdergelinta hawlaha gudaha iyo dibada.

3) Isbaheysigaan waxay ku heshiiyeen ujeedada saldhiga u ah daladaan oo ah inay yeeshan gole dhexe oo isla jaan qaadi kara, isla markaana iskaashi iyo wada shaqeyn joogta yeeshan, hab iyo hanaan fiicana oo haga loo dejiyo.

4) Isbaheysiga waxay isku raaceen in midnimadooda ilaaliyaan oo wixii tafaraaruq keenaya si wadajir ah uga hortagaan.

5) Isbaheysigu waxaa uu soo dhaweynayaa beel alla beeshii dulmidiid ah oo dooneysa inay kusoo biirto dalladan si loo gaaro ujeedooyinkan ka hor-tagga  cadaalad  darrada, sinaan la’aanta tacadiga musuqa iyo kala qeybinta beelaha, quursiga iyo qabyaalada.

Isbaheysiga waxaa uu si wada jir u ogalaaday una saxiixay qodobada kor ku xusan. Isbaheysiga waxay kaloo abaal marin gudoonsiiyeen rug cadaaga siyaasiga weyn Amb. Mohamed Mukhtar Beley doorkii uu ka cayaaray mideynta iyo isku keenista qowmiyadahaan BBB ee ku nool North America kuna midoobay dalada.

Ugu danbeyntii waxaa uu shirka kusoo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan oo si wanaagsan laysagu afgartay.

qowmiyahada-bbb-columbus-1 qowmiyahada-bbb-columbus-2 qowmiyahada-bbb-columbus-3 qowmiyahada-bbb-columbus-4 qowmiyahada-bbb-columbus-5qowmiyahada-bbb-columbus-6 qowmiyahada-bbb-columbus-7 qowmiyahada-bbb-columbus-8 qowmiyahada-bbb-columbus-9 qowmiyahada-bbb-columbus-10 qowmiyahada-bbb-columbus-11

 

.

.

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment