4770 Views

43-sano ka guuradii ka soo wareegtay marki AF-Soomaaliga la qoray.

43-sano ka guuradii ka soo wareegtay marki AF-Soomaaliga la qoray.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 21 January, 2016: Gobolada kala duwan ee Soomaalidu degto ayaa maanta waxaa siweyn looga xusayaa sanad guuradii 43aad ee kasoo wareegatey markii farta Soomaaliga laqoray.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Dowlada Federaalka Soomaaliya Max’ed Cabdulqaadir Nuur oo la hadlay qaar warbaahinta ka mid ah ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in 43-sano ka dib maanta oo kale qiimo weyn ay ugu fadhiso Ummada Soomaaliyeed meel waliba ay joogaan,isagoo hadalkiisa intaasi sii raaciyay in meel wanaagsan ay mareyso qaban qaabada Xuska 21-Janaayo markii la qoray Afka Soomaaliga.

Magaalada Muqdisho waxaa munaasabad kadhacaysa magaalada Muqdisho waxaa ka qaybgeli doona madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, magaalooyinka xarumaha u ah maamulada kajira dalka ayaa siweyn looga xusi doonaa maalintaani qaaliga ku ah umadda Soomaaliyeed.

IMG_0C6CD4-FF3BDD-3F5921-875C3A-6518A5-9776F5

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment