3408 Views

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Maanta Imaanaya Magaalada Muqdisho.

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Maanta Imaanaya Magaalada Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24 January, 2016: Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lafilayaa inay ka soo duulaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, si ay Muqdisho ugaga qaybgalaan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya. Socdaalka Madaxwaynaha Puntland ee ka qayb galka shirkan ayaa sidoo kale daba socda shirarkale oo lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafyada soo kala dhexgala madaxda dalka Soomaaliya kuwaasi oo dhowaan shir ay Kismaayo kuyeesheen wax heshiis ah ku gaaari waayey.

Sido kalena, waxaa Islamaanta la filayaa in ay yimaadaan magaalada Muqdisho  dhamaam madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo xubno kasocda gobolada aan maamulada lahayn kawaas oo laga doonayo in ay dhamaystiraa Shirki qabyada aha ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment