3954 Views

TALABO NOOCEE AH AYUU KA QAADI DOONAA?, MD WAYNE XASAN SHEEKH!.

____________________________________________________________________________

Madaxweyne Xasan Sheekh, talaabo noocee ah ayuu ka qaadi donaa Masuuliyiinta laamaha Amaanka?, iyadoo ay waa JIB tahay in ay Qirtaan, dushana u ritaan, RAALI gelina ka bixiyaan dhibaatadii soo gaartay SHACABKA ku nasanayey kalsooni ay ku qabaan in ay ku hoos noolyihiin Amaan sugan oo ilaalin kara Sharaftooda, Dhiigooda iyo Dhaqaalahooda.

Dhibaato aan la filaynin marwalba way ka dhacdaa Aduunka dacaladiisa, lakiin waxaa waajib ah in Shaqsi ama Shaqsiyaad ay dusha u ritaan Qaladka dhacay, iyagoo muujinaya in ay ka XUN yihiin wixii dhacay, waana in ay noqotaa Arin leh CIQAABTEEDA iyo ABAAL MARINTEEDA, hadii ay masuuliyadu  tahay mid layskula Xisaabtamo ama qof walbana uu ogyahay in uu wajihi doono Ciqaabteeda wixii Daacad daro ah uu layimaado.

Waxaan aad uga xumaday markii aan maqlay Madaxda ururka Haweenka oo coddheer kuleh “Xageen u cararnaa, ma dalkaan ka tagnaa, away dadkii difaaci lahaa Maatada umadan, tani nolol maahan”, waxaan filayaa in ay tahay XANUUN taabtay cabashada ka soo yeertay Dumarka, waayo waxaa mar walba ku wax yeelooba masiibooyinaka dhaca inta badan Dumar iyo Caruur aan dambi lahayn.

Somaalidu waxay tiraahdaa “Nin maqan tabidiis (macnaha waa in qof maqan laxasuusto), waa Nin jooga CEEBTIIS”, waxaan ula jeedaa Siyaasiyiintii iyo Saraakiishii dalkan wax u soo bartay, hadii ay maanta joogi lahaayeen, Dumarka Somaaliyeed maka muuqateen niyad jab ee waxay maanta kunoolaan lahaayeen SHARAF iyo CIZO, lakiin waa aduunyee Ninba waa maalintiis!!!.

Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa in umadu ay aragto iyadoo la is xisaabinayo, waqti kasta ay qaadataba, waayo waatii ALLA yiri “qof walbow Is xisaabi, inta Aan lagu xisaabin”, dhaqan aan ka arkay Shaqsiyaad sheeganaya in ay yihiin Masuuliyiin, waa mid laysku xisaabin doono waqti ay noqotaba, hadii Alla idmo, ee waxaa iga dardaarna in LAQORO lana KAYDIYO dhacdooyinka foosha XUN ee dhacaya ama ay samaynayaan Shaqsiyaad aad mooday in ay weligood Sii haynayaan Xilalka ay u hayaan umada. ee nin walbow Taariikhda dib uraac!!!, midna aan ogaano Taariikhdu ma “DUUGOWDO”

 

Qaranimo-online

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment