3831 Views

Cabdi Xaaji Goobdoon oo Saaka Muqdisho ku geeriyooday

Cabdi Xaaji Goobdoon oo Saaka Muqdisho ku geeriyooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 26 January, 2016: Waxaa Saaka Muqdisho ku geeriyooday “AU” Cabdi Xaaji Gobdoon oo ahaa ruug-cadaa saxaafadeed isla markaana ahaa la taliyaha arrimaha saxaafada ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku noolaa dalka intii ay dagaalada sokeeye ka socdeen, waxana uu ahaa dhowr iyo siddeetan sano jir.

Allaha u naxariistee Cabdi Xaaji Goobdoon waxa uu saxaafada bilaabay sanadkii 1961 waxana uu ka soo jeedaa qoyska saxaafada caan ku ah, mudo dheer-na u dhabar adeygay.

Goobdoon wuxuu ahaa afhayeenkii hore ee xukuumadda iyo khabiir saxaafadeed oo ka soo howl galay Radio Muqdisho, isagoo agaasime guud ka soo noqday Wasaaradda Warfaafinta.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment