4161 Views

Dad loo qabtay Qarixii Diyaarada Daallo iyo Ammaanka Garoonka oo la Adkeeyay

Dad loo qabtay Qarixii Diyaarada Daallo iyo Ammaanka Garoonka oo la Adkeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 07 February, 2016: Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxi ka dhex dhacay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines, taasoo keentay inay si deg deg deg ah ugu soo laabato garoonka Muqdiaho.

Hey’addaha Ammaanka dowladda ayaa si aan horay loo arag u bilaabay la socodka dhaq dhaqaaqa garoonka, iyadoo la soo kordhiyay tallaabooyin lagu sugayo ammaanka, waxaana dadka ka dhoofaya garoonka ay marayaan baaritaano dheeraad ah oo ka duwan kuwii hore loo yaqiin.

Ciidamada Booliska ayaa shalay saldhig cusub oo ay hirgelisay Qaramada Midoobey ka sameystay garoonka, waxaana ciidamada ay adeegsanayaan qalabo kala duwan oo ay kula soconayaan dhaq dhaqaaqa garoonka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa sheegay in tallaabooyin cusub oo lagu adkeynayo ammaanka garoonka lagu soo kordhiyay garoonka, waxaana uu intaa ku daray in dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya ay la socdaan tallaabooyinka.

Dad gaaraya 20-ruux ayaa loo qab qabtay qaraxii diyaaradda Daallo, waxaan dadka la qabtay ku jira saraakiil ka howl galeysay garoonka iyo dad ka shaqeeya shirkadaha diyaaradaha qaar, waxaana jira tuhun badan oo ku aadan in shaqsiyaad ay ku lug leeyihiin qaraxa dhacay iyo sida loogu guuleystay in gudaha diyaarada la geeyo aaladii qaraxa ku jiray.

Afhayeenka Xukuumadda C/salaan Caato ayaa sheegay in dadka la qab qabtay la weydiinayo su’aalo, isla markaana aan wali baaritaanka dhamaan, lana ogaado labo nin oo meel gaar ah isugu gudbinaya Laptop la rumeysan yahay in waxyaabaha qarxa lagu soo qaaday.

Wararka ayaa intaa ku daraya in la daawada kaamirada qarsoon oo muujineysa labo ruux oo isu dhiibaya Laptop, lama oga in labada nin ay ku jiraan dadka la qab qabtay.

Saraakiil ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in falkaas oo ahaa mid argagixiso ay ka dambeyso Al-Shabaab, waxaana baaritaanadii lagu ogaaday in Diyaaradda Daallo wixii ka dhacay ay ahaayeen qarax ka qeyb qaadatay Koox ka tirsan Hey’adda FBI-da Mareykanka oo jooga Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali si rasmi ah u sheegin cida ka dambeysa weerarkaas, iyo in ninka ka dhex baxay duleelka diyaarada uu ahaa ninkii fuliyay, inkastoo ay jiraan tuhumo badan, mana jirto cid sheegatay.

Ila hada baaritaanka hoos ayuu ka socdaa, inta laga dhameeyo Dowlada ma dooneeyso in wax hor u dhac ah in ay sheegto.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment