3024 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Suudaan oo ka wadahadley dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Suudaan oo ka wadahadley dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga labada dal
____________________________________________________________________________

Khartoum, 15 April 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Khartoum kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka 1-aad ee Jamhuuriyadda Suudaan, Mudane Bakri Hassan Saleh.

Kulanka ayaa looga hadley qaabka loo dhaqan gelinayo heshiis ay maalintii Arbacada (13/04/2016) labada dal dhowaan ku gaareen magaalada Khartoum oo dhigayey in la abuuro guddi iskaashi oo heer wasiir ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay hoggaanka, shacabka iyo dowladda Suudaan sida ay u garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashigan cusub ee labada dal ay bilaabayaan u sare u qaadi doono xiriirkii qotada dheeraa ee horay uga dhexeeyay labada dhinac.

Madaxweyne Ku Xigeenka Suudaan, Mudane Saleh ayaa sheegay in Suudaan ay ku faraxsan tahay xiriirka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya, loona baahan yahay in la xoojiyo si loola jaanqaado isbedelada iyo caqabadaha ka jira caalamka

Kulankaasi kadib ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxay ka ambabaxeen Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Khartoum, markii ay dhameysteen booqashadii labada maalmood ahayd ee ay ku joogeen Suudaan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa sii sagootiyay Madaxweyne Ku –Xigeenka Koowaad ee ee Jamhuuriyadda Suudaan Mudane Bakri Hassan Saleh , wasiirro , mas’uuliyiin kale iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Khartoum.

.

.

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment