4323 Views

Marwadii Madaxweynihii hore ee Kenya oo geeriyootay

Marwadii Madaxweynihii hore ee Kenya oo geeriyootay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 26, 2016Lucy Kibaki, Marwadii Madaxweynihii hore ee dalka Kenya ayaa saaka ku geeriyootay isbitaal ku yaal magaalada London.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in Mrs Kibaki ay geeriyootay iyadoo lagu daweynayay isbitaalka Bupa Cromwell ee magaalada London ee wadanka engriiska.

“Marwada caafimaadkeedu ma wanaagsanayn waxaana lagu daweynayay dalka Kenya balse dhowaan ayaa loo qaaday dalka Ingiriiska si loogu soo daweeyo,”ayaa qoralkan lagu sheegay.

Haweeneydan ayaa ahayd mid aad u ad-adag, cod dheerna lahayd, waxaana lagu xasuustaa in ay ku amartay Madaxweyne Kibaki in uu shaaciyo in uusan lahayn xaas kale, mar qilaaf soo kala dhax galay ayada iyo M/weyne Kibaki.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment