3276 Views

AMISOM oo Xaqiijinaysa Xiritaanka 5 Askarteeda ah

AMISOM oo Xaqiijinaysa Xiritaanka 5 Askarteeda ah
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 6 June, 2016 – Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa xaqiijinaya 5 askari oo AMISOM ka tirsan ee shalay lagu xeray Muqdisho, kuwaas oo lala xiriirinayo in ay si sharcidarro ah ku iibinayeen qalab melatari.

Askarta ayaa lagu soo xiray hawlgal si wadajir ah ay u fuliyeen AMISOM iyo ciidanka booliska Soomaaliyeed, taasoo dabasocotay baaritaan horey loo waday ee arrinkaa la xiriira.

AMISOM ayaa horey usii heshay warar tibaaxaya in ciidankeeda ku lugleeyihiin falal sharci darro ah, kadib iskaashi ay la sammeysay ciidamada booliska Soomaaliya ayay si weyn u baareen arrintan. Baaritaanka ayaa lagu soo afmeerayey hawlgal wadajir ah oo lagu soo qabtay askarta oo haysta shidaal iyo jawaannada difaaca .

AMISOM sinna ugu dulqaadanmayso dhaqanxumida ciidankooda ku kaceen , dabiilayaashana sharciga sida uu qabo ayaa lala tiigsandoonaa.

Dhammaan shaqaalaha Hawgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxa qabanaya xeerka anshaxa ee u degsan AMISOM, sidaa darteed loo dulqaadanmaayo ka weecashada hufnaanta heerka shaqo-gudasho iyada oo ciddii garabmarta ay wajahayso sharciga. Iyada oo taa laga duulayo ayuu ku dabakhmayaa xeerka u degsan Hawlgal ee ku aadan heshiiskii ay kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

AMISOM iyo booliska Soomaaliya oo iskaashanaya ayaa sii wadaya ka wadashaqeynayta baaritaanka dhacdadan si looga gungaaro. AMISOM waxay qaadeysaa tallaabooyin wax ku ool ah oo ay ku ciribtirayso falalka noocan oo kale ah.

In ka badan 22,000 oo nabad-ilaaliyeyaal ah ayaa ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika kuwaas oo taageeraya dib u soo celinta, nabadda iyo xasiloonada Soomaaliya, sidaa darteed hadafkooda sharafta leh wax ba gaarsiinmayso falal gurracan oo ay ku kaceen koox yar.

.
.
____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment