8403 Views

DAAWO: Obama oo si caro leh uga jawaabay hadallada Donald Trump ee ku saabsan dadka Muslimka ah

DAAWO: Obama oo si caro leh uga jawaabay hadallada Donald Trump ee ku saabsan dadka Muslimka ah
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 15 06 2016 | Obama oo maanta si caro leh uga jawaabay hadallada ka soo yeeray Donald Trump iyo Republican-ka badankooda ee ah inuusan weligii isticmaalin ereyga Xag jiriinta Islaamka (Redical Islam) inuu ku sheego dadka weerarada argagixisada ka gaysta dhulalka reer galbeedka, wuxuu yiri Isticmaalka ereygaas :

  • Ma wuxuu yareeyneeyaa weerarada ?
  • Mise taageero badan ayaan ku heleeynaa ?
  • Yaa moog ama uu shaki kaga jiraa cadawgaas nooca uu yahay, imisa sanno ayaan dagaal kula jirnaa ?

Wuxuu kaloo yiri “weli ma maqal shaqsi la taliyeyaasheeyda ka mid ah oo igu yiri hadii aad Ererygaas isticmaashid wax walba way hagaagayaan”.

Mar uu ka jawaabayay hadalkii uu Donald trump shalay sheegay ee ahaa inuu ka mamnuuci doono dadka Muslimka ah inay soo galaan Maraeykanka wuxuu yiri ” Shaqsiyaadka gaysta weerarada ka dhaca Maraykanka waa dad Maraykan ah , ma waxaad na leedihiin dadka Maraykanka ah haloola dhaqmo siyaabo kala duwan, mise waxaan leenahay dad ku dhow 2 Billian oo Muslim ah ayaa wada argagixisa ah”

Hadii sida aad u rabtaan hadalka inaan u dhigo loo dhigo waxaan u fududeeynay danta argagixisadu leeyihiin ee ah dagaal u dhaxeeya Islaam-ka iyo Maraykanka ama Reer Galbeedka.

HALKAN KA DAAWO HADALLADA OBAMA QAYBAHA UGU MUHIIMSAN……

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment