4038 Views

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridii S/Guud Maxamed Cali Samatar

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridii S/Guud Maxamed Cali Samatar
____________________________________________________________________________

 Muqdisho, August 20, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. Allah ha u naxariistee marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatarayaa xukuumaddii milateriga ee Soomaaliya ka soo qabtey xilal sare.

Jen. Samatar oo dalka ka soo noqdey Madaxweyne Ku-Xigeen 1-aad, Ra’iisul Wasaare, iyo Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa xalay ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa marxuumka ku tilmaamey inuu ahaa shakhsi waddankiisa wax badan oo waxtar leh u soo qabtey.

“Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaceyga, iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed geeridan ku timid S/Guud Maxamed Cali Samatar. Waxaa uu ahaa waddani kaalin weyn ka qaatey dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo waagaas noqdey kuwa ugu firfircoon uguna tayo wanaagsan Afrika’’.

Madaxweynaha ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan Allah ka siiyo.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment