3654 Views

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Lambar dedg deg loga soo wici karo

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Lambar dedg deg loga soo wici karo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 11, 2016: Hey’addaha Ammaanka dowladda ayaa markii u horeysay soo bandhigay Nambar ka gurmadka deg dega, kaasoo shacabka ay ka soo wici karaan hadii ay la kulmaan khatar amni ama ay arkaan wax ka yaabiyo.

C/kaamil Macalin Shugri, Afhayeenka Wasaaradda Amniga, ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hey’adaha ammaanka, oo ay gacan ku siiyaan sugida amniga ayaga oo kaashanayo lambarkaas cusub.

“Shacabka waxaa looga baahan yahay inay kaalin ka qaataan Sugidda ammaanka, wax walba oo amniga khatar ku ah ay ku soo war geliyaan Ciidamada amniga”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

C/kaamil Macalin ayaa sheegay in shacabka ay ka soo wici karaan Taleefan nambarkiisa yahay 991, hadii ay dareemaan falal amniga ka hor imaanaya ama wax u eeg.

“Waxaan shacabka ku wargelineynaa inay laamaha ammaanka ka soo wici karaan Nambarkan 991, hadii ay la kulmaan khatar amni ama ay dareemana falal ka hor imaanaya ammaankooda, si ciidanka ay si deg deg ah ugu howl galaan”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Nambarkan gurmadka deg dega ah ayaa noqonaya markii u horeysay ee laamaha ammaanka soo bandhigaan, kaasoo la doonayo in shacabka ay ciidamada kula wadaagaan wixii xogo oo la xiriira amniga shacabka.

Dalalka Caalamka sida ay u badanyihiin, ayaa leh Nambar gurmad deg deg ah oo ah 911, kaasoo loogu tala galay in dadka markii ay khatar la kulmaan ay soo wacaan. si loogu so gurmado.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment