2877 Views

R/wasaaraha Itoobiya oo qiray xasuuq ka dhacay dalkiisa

R/wasaaraha Itoobiya oo qiray xasuuq ka dhacay dalkiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 3, 2016: Hailemariam Desalegn,Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,  ayaa eedda dadkii ku dhintay isbuurashada ka dhacday gobolka Oromiya dusha kaga tuuray dad rabshado waday halkaasi oo uu sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 52 qof.

Dad goobjoogayaal ah, ayaa sheegaya in dhibaatadu ay bilaabantay markii dad dibadbaxayay ay carqaladeeyeen khudbadihii ay saraakiisha ka jeedinayeen bandhig lagu qabtay magaalada Bishoftu.

Mucaaradka ayaa sheegay in ugu yaraan 100 qof halkaasi lagu dilay. Inta badan dadka dhintayna waxa ay ku dhaceen godod halkaasi ku yaal xilli ay isku dayayeen inay goobta ka baxsadaan.

Hailemariam Desalegn, ayaa khudbad uu taleefishinka qaranka Itoobiya ka jeediyay waxa uu kaga hadlay dhacdada.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu amaanay ciidammada ammaanka waxa uuna sheegay in dhacdadaasi aanan lagu maqlin wax rasaas ah haba yaraatee.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment