3156 Views

Madaxweynaha oo tegaya caasimadaha maamul goboleedyada dalka

Madaxweynaha oo tegaya caasimadaha maamul goboleedyada dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 5, 2016: Waxaa na soo gaaray in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tagi doono magaalooyinka Caasimadaha u ah maamul goboleedyada dalka Soomaaliya si looga hortago dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada sanadkaan.

Socdaalka, ayuu sheegay Madaxweynaha inuu doonayo in uu kulamo la qaato madaxda maamul goboleedyada dalka si uu kagala hadlo in dhib u dhac kale doorashada uusan ku imaan ama uusan dhici karin.

Mudane Xasan Sheekh, ayaa sheegay in dib u dhicii ku yimid doorashada markii labaad iney sabab u ahaayeen cilado farsamo, balse haatan uu waddo dadaalo looga hortagayo dib u dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka soo socda.

 

“Muddo sanad ka badan ayaa arimaha doorashada laga shaqeynayay, 2013 ayaa shir la qabtay oo ku saabsanaa siyaasada Soomaaliya, Waxaana shirkaasi kasoo baxay barnaamij loo bixiyay Hiigsiga 2016, waxii ka dambeeyay waan ku shaqeyneynay in doorashada 2016 ay dhacdo, dib u dhaca hadda yimid mid farsamo waaye, waxaan diidnay kororsiimo labo sano ilaa hal sano”.

“Hadda waxaan Baydhabo u tagay waxay aheyd in dib u dhac kale uusan imaan, waana tagi doonaa magaalooyinka kale ee caasimadaha ah”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Socdaalkii madaxweynaha uu ku tagay magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu noqday mid la hadal hayo, maadaama magaalada uu kaga hormaray musharax madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah musharixiinta sanadkaan doorashada ugu cad cad, oo an la ogayn meesha ay la gaari-doonto.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment