3375 Views

Shirkii Madasha oo u baaqday xiisado siyaasadeed awgeed.

Shirkii Madasha oo u baaqday xiisado siyaasadeed awgeed.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 13, 2016: Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Madaxtooyada iclaamisay inuu dhaco 11-kii bishan oo ku beegneyd maalintii Talaadada ayaa u baaqday xiisado siyaasadeed iyo khilaaf ka dhex taagan maamul goboleedyada qarkood.

Sida sheegay, shirkan ayaa looga hadli lahaa arrimaha dhameystirka doorashooyinka iyo amniga, iyadoo la sheegay inuu ahaa shir markiisa hore fikiradiisa ka timid Madaxtooyada.

Wararka kala duwan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed uu soo xaadiray kaliya, iyadoo ay ka baaqsadeen Madaxda Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo aan wax cudur daar ah, oo ay kaga baaqdeen shirka, soo sheegin

Sababaha shirka uu u baaqday, ayaa waxaa ka mid ah xiisada ka dhex taagan Maamulada Puntland iyo Galmudug, gaar ahaan colaada Gaalkacyo oo noqotay mid soo taagan, iyadoo Maamulka Puntland uu ku eedeeyay dowladda Federaalka in ay taageertay Galmudug.

Waa kale oo jira khilaaf hoose oo u dhaxeeya Madaxweynayaasha Maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbaland oo ka dhalatay liiskii Musharaxiinta Aqalka sare, kaddib markii Axmed Madoobe uu ka saaray xubintii Shariif Xasan watay, waxaana jiray heshiis labada dhinac u dhaxeeyay oo ahaa in liisaskooda ku soo daraan musharaxiin labada dhinac ka soo kala jeeda, taas oo an dhicin.

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran oo ah madal ay ku mideysan yihiin dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa dhowr jeer oo hore lagu dhawaaqay inuu soo dhamaaday, balse waxaa uu u muuqdaa sheeko aan dhamaaneyn, madaxda waqtigooda dhamaaday iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku doonayaan inay talada ku sii haystaan.

Dad badan ayaa aaminsan in inta uu jiro shirka Madasha Wada-tashiga Qaran, aanay doorasho dhici karin, waxaana cabsi laga qabaa in mar kale uu dib u dhac ku yimaado waqtigii loo qabtay inay ku dhacdo doorashada Madaxweynaha ee 30-ka November, taas oo ay wax yar ka dhimantahay.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment