3162 Views

Muhamadu Buhari oo u sheegay xaaskiisa in ay jikada ku ekaato

Muhamadu Buhari oo u sheegay xaaskiisa in ay jikada ku ekaato
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 15, 2016: Muhamadu Buhari,Madaxweynaha Nigeria, ayaa u sheegay xaaskiisa Aisha Buhari inay jikada ku ekaato, isagoo ka jawaabayay dhaleeceyn uga timid xaaskiisa oo ahaa in aysan seygeeda taageeri doonin dhanka siyaasadda.

Asagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wada-jir u qabteen Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa sheegay in aanu garaneyn xisbiga ay ka tirsan tahay xaaskiisa.

“Ma garanayo Xisbiga ay ka tirsan tahay xaaskeyga, balse waxaa ogahay inay ka tirsan tahay jikadeyda, fadhiga iyo qolka inoo gaarka ah”ayuu isagoo dhoola cadeynaya yiri.

Waxaa uu sheegay in xaaskiisa iyo mucaaradka uu ka khibrad badan yahay, maadaama uu u soo tartamay madaxtinimada saddex jeer, markii afaraadna uu ku guuleystay.

Aisha Buhari ayaa dhowaan sheegtay in aysan taageeri doonin seygeeda mar dambe haddii uu is bedel ku sameyn waayo dowladiisa, iyadoo xustay inay taageereyso hadii uu is bedel muuqda ka sameeyo dalka Nigeriadhaxdiisa.

Madaxweynaha Nigeria Buhari oo horay u ahaa Jeneraal ciidan ayaa lagu tilmaamaa nin ad adag, waxaa uu ka soo jeedaa waqooyi bari Nigeria oo ah gobolka ay Muslimiin badan ay deganyihiin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment