7548 Views

Dowlada oo caalamka kala hadleysa Baasaboorka Soomaaliya

Dowlada oo caalamka kala hadleysa Baasaboorka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 02, 2016: Maxamed Aadan Koofi, Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsidiyada dowlada Soomaaliya  ayaa ka hadlay qaadashada baasaboorka Soomaaliya iyo dadaalka dowlada ugu jirto sidii caalamka loogu safri lahaa baasaboorka Soomaaliga, qiimana u yeelan lahaa.

Taliyaha oo la hadlay TV-ga Somali Cable, ayaa sheegay in wadamo badan oo caalamka ah ay kala hadleen sidii u aqbali lahaayeen in baasaboorka Soomaaliya loogu safri karo dalalka aduunka.

Dad khabiiro ah ayuu sheegay in loo xilsaaray sidii baasaboorka Soomaaliya caalamka looga aqoonsan lahaa, isaga oo sheegay in dalal badan oo dood arimahaasi ka qabay ay la kulmeen.

Sharciga iyo sifaha lagu bixiyo baasaboorka iyaga oo laga eegayo ayuu sheegay taliye Koofi in la wada qaatay in lagu kalsoonaan karo baasaboorka dalka Soomaaliya.

Tan kale taliya socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya wuxuu ka dalbaday shacabka Soomaliyeed iney u dulqaataan sharciyada adag ee lagu soo rogay qaadashada baasaboorka Soomaaliya, taasi oo sahleysa in la aqoonsado baasaboorka laguna tago meelo badan oo aduunka ka mid ah.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment