3201 Views

Madaxweynaha oo ku ammaanay Dowlad Gobolleedka Jubbaland dhameystirka doorashooyinka Golaha Shacabka.

Madaxweynaha oo ku ammaanay Dowlad Gobolleedka Jubbaland dhameystirka doorashooyinka Golaha Shacabka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho 25-November 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray Dowlad Gobolleedka Jubbland oo soo dhameystiray qoondadii 43da xildhibaan ee doorashooyinka Golaha Shacabka ka dhacay magaalada Kismaayo.

“ In si buuxda loo dhameystiro doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka dhacay Kismaayo, waa guul weyn oo yididiillo gelineyso geedi socodka doorashooyinka dadban ee dalka ka socoda. Waxaan ammaan iyo boggaadin u jeedinayaa shacabka, Madaxda Dhaqanka iyo Madaxda Dowlad Gobolleedka Jubbaland iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashooyina Dadban ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo umadda Soomaaliyeed gaarsiiyey guusha ah in si hufnaan ah u qabsoomaan doorashoyinkaas. ” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaweynaha ayaa ugu baaqay Guddiyada Dorashooyinka Dadban iyo Dowlad Gobolleedyada kale inay laba-laabaan dedaalkooda ku aadan in waqtigii loo qorsheeyey lagu soo gabagbeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka ee harsan iyada oo la ilaalinayo nidaamka sharci ee u degsan doorashooyinka.

Ugu dambeyntii,Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka dimuqraadiyadda iyo dowladnimada ah, isagoo uga mahad-celiyey shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka kaalintooda ku aadan hirgelinta doorashooyinka.

.

.

.

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment