15006 Views

Qaabkii loo magacaabay RW Xasan Cali Kheyre (Xasan Bile)

Qaabkii loo magacaabay RW Xasan Cali Kheyre (Xasan Bile)
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Febaraayo 23, 2017 – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa goordhow ku dhawaaqay Ra’isul wasaaraha cusub ee Xukuumada Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka Ra’isul wasaarenimo u magacaabay nin lagu magacaabo Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka hor inta uusan u ambabixin Dalka Sacuudi Arabia.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saakay u duulay wadanka Sacuudiga, waxaana Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka.

Ra’isul wasaaraha cusub waxaa uu horey Madax uga ahaa Golaha Qaxootiga Norway ee Norwegian Refugee Council (N.R.C), waxa kale oo uu ahaa Wakiilka Shirkadda Shidaalka ee Som Oil and Gas ee Bariga Afrika.

Xassan Cali Khayre waa Nin dhalinyara ah waxa uu ku noolaa dalka Norway, waxa uuna Dhawaanahaan ku noolaa dalka Ingiriiska, isaga oo madax ka ahaa Hey’ada Soma Oil and Gas.

Magacaabista Ra’isulwasaaraha ayaa imaneysa maalin kadib marki madaxweyne Maxamec Cabdullaahi Farmaajo loo caleema saaray xilka madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

 

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment