3588 Views

RW Khayre oo la kulmay Safiirka Jarmal u fadhiya Soomaaliya

RW Khayre oo la kulmay Safiirka Jarmal u fadhiya Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 8, 2017 – Ra’isul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa manta si kooban ula kulmay Safiirka dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya marwo Jutta Frasch.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay inuu safiirka kala hadlay sidii ay dowladiisa uga qeyb qaadan laheyd gurmadka abaaraha  saameeyay sanadkaan dalka Soomaaliya.

Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Jutta Frasch ayaa Ra’isul Wasaare Khayre kala hadashay sidii dowladeeda gacan buuxda dowlada Jarmalka uga geysan lahayd caawinaada shacabka Soomaaliyeed oo at ku habsadeen abaaro ba’an.

Dhanka kale labadaan mas’uul ayaa iska wareystay xaaladda siyaasadeed oo ay gashay Soomaaliya waxayna safiirka sheegtay inay si weyn usoo dhaweeneyso dowladda cusub.

Sidoo kale labada dowladood ayaa ku heshiiyey in xiriirka u dhaxeeyo la kordhiyo isla markaasna Germany ay mashaariic ka fuliso Soomaaliya, waxaana arrintaas si weyn usoo dhaweeyey Ra’isulwasaaraha.

rw-kheyre+safiirka-jarmalka1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment