3762 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xaaladda ku xuntahay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xaaladda ku xuntahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 17, 2017 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo mustaqbalkiisa xileed uu mugdi ku jiro ayaa waxaa soo wajahay culeysyo baaxad leh oo uga imaanaya madaxda dowladda, iyadoo la geliyay xaalad go’doon ah.

Yuusuf Jimcaale oo si weyn ugu ololeeyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hada ka mid ah dadka ugu horeeyay xil qaadistooda ay dhow-dahay, marka la dhiso Xukuumadda cusub.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ay heshay qaranimo.com ayaa sheegaya in labadii bilood ee la soo dhaafay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir la geliyay go’doon dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Labo jeer oo ay waqtiyo kooban u dhaxeeyay ayaa laga xayiray akoonadii Gobolka Banaadir ku lahaa Bankiga Dhexe, taasoo ku xaroon jirtay dakhliga Gobolka Banaadir uu ka helo Dekeda Muqdisho.

Xayiraada lagu soo rogay Akoonadii Gobolka Banaadir ayaa sababtay inay saameyn ku yeelayo howlihii Gobolka, sidoo kale waxaa muddo bilooyin ah maqan mushaaraadkii shaqaalaha Gobolka.

Sidoo kale go’doonka siyaasadeed ee uu galay Guddoomiye Madaale ayaa ah in Madaxweyne Farmaajo uu albaabada ka xirtay, dhowr jeer oo uu isku dayay inuu ku casuumo munaasabado uu Gobolka qaban lahaa ka hor-yimid in la qabto ama uu ka qeyb galo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku baraarugsan in xilka laga qaadi doono, kaddib markii ay soo baxday warar sheegaya in xilka loo magacaabi rabo Taabid Cabdi oo ka mid ah shanta Golaha Sare ee saaxibada Madaxweyne Farmaajo.

Mr Taabid ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday magaalada Muqdisho olole xooggan oo uu suuqa ku gishtay in xilka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho loo magacaabi doono, isagoo dad badan oo uu si hoose ula kulmay ka dalbaday inay ku taageeraan.

Guddoomiye Madaale ayaa si aad ah ugu milmay ololihii doorashada Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh, waxaa la xusuustaa hadaladii aan gambadka laheyn ee uu taageerada ugu muujiyay.

Xaalada uu ku sugan yahay Guddoomiye Madaale ayaa la mid ah tii uu ku jiray Agaasimihii hore ee Nabadsugida Axmed Macalin Fiqi oo is casilay, markii ay lix bilood ka soo wareegatay doorashadii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, waxaana xilligaas Fiqi lagu riixayay Sheekh Shariif oo looga adkaaday doorashadii sanadkii 2012.

Gablantada Adduuneey maxay galabba heer joogtay !!!!!!!!!!!!!

.

,

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment