2808 Views

KULANKA URUR GOBOLEEDKA IGAD, MUXUU KA BEDELI KARAA ARIMAHA SOMALIYA?

____________________________________________________________________________

March 26, 2017

 

KULANKA URUR GOBOLEEDKA IGAD, MUXUU KA BEDELI KARAA ARIMAHA SOMALIYA?

Somalidu waxay tiraahdaa “baadida nin baa kula doon doonayoo daalna kaa badane, aan doneyn inaad heshaa daa’in abadkaa!

Sida lawada ogyahay, waxaa si lama filaan ah shir isugu yimid wadamada ku bahoobay uru Goboleedka IGAD,shirkani oo ahaa mid aan horey loo qorsheyn, waxana soo abaabulay 3 wadan oo CABSI WEYN ka qabo Isbedelka ka dhacay Somaaliya, wadamadaasi oo kala ah KENYA, UGANDA iyo ITOOBIYA, iyadoo u jeedadu tahay in laga hortago ISBEDELKA ka imaan karo dhica Madaxweyne Farmajo, maadaama uu yahay nin si fiican u Fahamsan Xeeladaha wadamadaas oo ku dhisan QEYBIYOO XUKUN.

Waxaa horey loo yiri “laba qaawani ismaqaado”, waxaa mudan in la isweydiiyo wadamada IGAD dhamaantood, waa wadamada ugu SABOOLSAN Caalamka qaarkood, sida aan ognahay iyaga ayaa dhib ku filan heystaa oo ay gacmahooda ku kasbadeen sida “musuq masuqa, Abaraha, Cadaalad Xumada iyo ku Tagri Falka Awoodaha Siyaasadeed”, Corruption, Drought , in justice or unfairness and misuse of power “.

Hadaba IGAD,  xeel iyo Xoogba arinteedu waa “qowda maqashii waxna how qaban”, marka laga reebo Dalka Jabuuti  oo ah dal mar walba la garab taagan walaalahooda HIIL iyo HOO wixii ay awoodaan. Waxaana xaqiiq ah  waqtigan la joogo in aysan jirin wax GARGAAR ah ee laga sugayo IGAD, waayo iyaga ayaa tooda heysataa, wuxuuna DAMAC  kaga jiraa in ay wax ka helaan Deeqaha la siinayo Somaaliya si Toos ah iyo si Dadban labadaba.

Horaa looyiri, “dha dhanshaa waalan, dhargaana ka daran” Sedexda wadan ee aan kor ku soo Xusay, waxay dhaqaalo badan ka heleen, wax yaabo badan oo u noqday  ilaha dhaqaale oo ay marwalba ku xisaabtamaan, mana  RABAAN wadamadan in ay Somaaliya soo ceshato SHARAFTEEDA iyo XUDUUDAHEEDA, waxayna si Toos ah iyo si Dadban dadaal ugu jiraan in Somaaliya ay ku jirto Xalad ah QEYBIYOO XUKUN, waxaana fikirkan foosha XUN gacan ku siiya Dowlado ka tirsan Beesha Caalamka iyo Shaqsiyaad Somaali ah.

  • Dhaqaalaha ku baxa Qaxootiga Somaliyeed,
  • Ciidamada ka joogo Somaliya,
  • Isticmaalka XEEBAHA Somaliyeed,
  • JAADKA iyo Ganacsiga joogtada ah ee Naga dhexeeyo.

Ugu dambeyn waxaan leyahay “nin tiisa daryeelaa, tukale ku dara” ee yaan lagu hungoobin  xeeladaha kala duwan oo ay isticmaalayaan, wadamada  aan kor ku soo xusay,  si kastaba MD wayne Farmaajo waxaa laga rabaa isagoo adeeg sanaya  wixii AQOON iyo XEELAD Siyasadeed ah  in mar walba lala xisaabtamo dowladahaas, lana ogeysiiyo in ay Tixgeliyaan Xuriyada Dalka iyo danaha kala dhexeeya Somaaliya.

Waxaa kaloo intaas dheer oo muhiim ah in ay Ciidamadooda kala Baxaan Somaaliya, hadii aysan diyaar u ahayn in ay Gutaan waajibaadkoda, waayo waxay u joogaan Shaqo Abuur, sababtoo ah maalintii ay yimaadeen ilaa waqtigan waxay joogaan Gobahii saldhiga u ahaa.

Ugu dambeyn waxaa horey loo yiri “nin ku siray, wax kuu sheeg”, Somaaliya Somaalibaa leh.

 

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment