2256 Views

QM oo ka hadashay Xaaladda Barakacayaasha Soomaaliyeed

QM oo ka hadashay Xaaladda Barakacayaasha Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Abriil 19, 2017 – Isagoo kula hadlayay suxufiyiinta Magaalada New York, John Ging, Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada Xafiiska Qaramada Midoobay (OCHA), ayaa waxaa uu sheegay in xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay abaaruhu ay saameeyeen ee ku sugan Soomaaliya ay tahay mid khatar ah oo u baahan in la qaado tilaabo deg deg ah.

” in ka badan 6.2 milyan oo qof ayaa waxa ay u baahan yihiin cunto iyo biyo, waxaana ay halis ugu jiraan daacuun iyo jadeeco” ayuu yiri John Ging.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dalalka Caalamka in ay fadhiga ay ka kacaan oo ay u gurmadaan dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxaa uu tilmaamay in dhaqaalihii ay dalbadeen oo ay ku caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed badankiis in aysan wali soo gaarin.

Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa ka sii daraysa maalinba maalinta ka dambeysa , waxaana qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay wadaan gurmadyo kala duwan oo lagu caawinaayo dadka dhibaateysan.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment