5862 Views

Maamulka Dagamad Kaxda Oo Gacanta Ku soo dhigay Nin Geestay Fal Ka dhan ah Bin Aadinimada

Maamulka Dagamad Kaxda Oo Gacanta Ku soo dhigay Nin Geestay Fal Ka dhan ah Bin Aadinimada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Abriil 30, 2017 — Ciidamada ammaanka Degmada Kaxda ayaa u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan nin geystay fal kufsi ah, kaasi oo kufsaday Gabar Todoba sano jir ah, kana mid ah dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Degmada Kaxda.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil C/laahi oo la hadlay QARANIMO.COM ayaa sheegay in ninka falkaasi geystay in Hay’adaha amniga ay gacanta ku hayaan, baaritaanna lagu hayo.

Waxa uu sheegay Gabadha falka kufsiga ah loo geystay ee Todobo sano jirka ah in hada la geeyay goobo caafimaad, si xaaladeeda caafimaad loo hubiyo.

Maxamed Ismaaciil C/laahi Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay ninkan in sharciga la waafujin doono, maadaama falka uu yahay mid tacadi ah.

Inta badan xeryaha ay ku sugan yihiin dadka Barakacayaasha ah ee ku yaalla Duleedyada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca falalka nuucaan oo kale ah, ee kufsiga oo dad wax magarata ah ay kula dhaqaaqaan Hablo Soomaaliyeed.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment