2472 Views

Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan Sh/Hoose

Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan Sh/Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 10, 2017 — Ciidamada Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, ayaa saaka dagaal ku qaaday deegaano hoos-taga degmada Afgooye iyo deegaanka Janaale, halkaasoo ay maamulayeen Kooxda Al-Shabaab bilihii dambeeyay.

Sida la sheegay ciidamada ayaa la wareegay deegaanada Baladul-Amiin, Farsoley, Mubaarak iyo Bariire oo ahaa tuulooyin hoos taga degmada Afgooye.

Wararka la sheegayaa, in ciidamada huwanta iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, dagaal uu halkaas ku dhex maray.

Ciidamada  DFS iyo Al-Shabaab ayaa la soo sheegayaa in dagaal xooggan uu ku dhex marayo agagaarka deegaanka Janaale iyo Xumeey Sameey.

Xaalada deegaanka Janaale iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa kacsan, iyadoo ay isaga barakaceen dadkii deegaanka ee ku sugnaa goobaha.

 

Dagaalkaan ay saaka iskaga hor-yimaadeen ciidanka doladda iyo Al-shabaab ayaa la sheegay inuu ahaa mid qorsheysnaa oo maalmahan ciidamada ay wadeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aagaas ka socday.

Dalagaal-yahaninta Al-shabaab, ayaa gacanta ku heysa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo la sheego inay yihiin goobaha inta badan ay dagaalada ka soo abaabulaan oo ay ku badanyihiin.

WQ:- Ali Omar Ghedi

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment