2934 Views

Barlamaanka Koonfur Galbeed oo soo dhaweyey isku shaandheenta G/Wasiirada Maamulkaasi

Barlamaanka Koonfur Galbeed oo soo dhaweyey isku shaandheenta G/Wasiirada Maamulkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 2017– Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa cadeeyay in ay codka Kalsoonida siinayaan Wasiirada, Wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha uu soo Magacaabay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada qaarkood waxa ay sheegeen in ay ku qanacsan yihiin Wadada uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed u magacaabay Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Waxa ay tilmaameen Xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay soo dhaweynayaan islamarkaana ay codka Kalsoonida siiyaan.

Xildhibaanad Faadumo Aadan  oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la hadlay Qaranimo online  ayaa sheegtay  in ay ka shaqeynayaan sidii cod aqlabiyad leh agu ansixin lahaayeen Golaha Wasiirada magacaaban ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay Wasiiro ka kooban 24 Wasiir, 24 Wasiir Kuxigeen iyo 5 Wasiiru Dowle, tirada Wasiiradan ayaa ka dhigan 53 Wasiir.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment