7011 Views

Ciidanka AMISOM oo saaka gaaray Buulo Mareer

Ciidanka AMISOM oo saaka gaaray Buulo Mareer
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 31, 2017—Ciidamada AMISOM ee shalay uu dagaalka ku qabsaday degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa saaka gaaray degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada AMISOM ayaa shalay aroortii la kulmay dagaal xoog leh oo ay kala kulmeen Al-shabaab,waxaana dagaal saacado qaatay kaddib Ciidanka AMISOM ku qasbanaadeen in ay xalay ku hoydaan degaanka Golweyn oo uu shalay dagaalka ku qabsaday.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in dagaalkaas ay ku dishay 39 ka mid ah Ciidamada AMISOM,halka saraakiil ka tirsan maamulka Shabeellaha hoose ay sheegeen in AMISOM laga dilay 18 Askari.

Howlgalka AMISOM wali kama hadlin khasaaraha ka soo gaaray weerarka ay kala kulmeen Al-shabaab,kaas oo ay Al-shabaab ku sheegteen dhimasho badan oo Ciidamada Uganda ka soo gaartay weerarkaas.

Wararka saaka laga helayo degaanka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM xalay saqdii dhexe ay ka baxeen Golweyn islamarkaana ay saaka gaareen Degmada Buulo Mareer oo ay shalayba doonayeen in ay gaaraan ka hor dagaalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment