3936 Views

Dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Muqdisho

Dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 10ka Ogosto, 2017 – Xaaafada Xamar Jadiid ee degamda Warta-Nabada ee Gobolkaan Banaadir waxaa maanta ka dhacday dhacdo aad ay uga naxeen dadka ku nool Xaafadaas.

Koox dhalinyaro ah oo ku hubesnaa Qalabka Mindiyaha ayaa waxa ay weerareen islamarkaana tooreey ku dileen Nin qabay Gabar ay Ehelo ahaayeen.wiilasha Hubaysanaa.

Qof ka mid ah dadka deriska ah Ninka la dilay ayaa Qaranimo Online u sheegay in dhalinyaradaan ay Ninkaasi dileen kadib markii xaaskiisa oo ay ehelo ahaayeen uu xoogaa muran soo kala dhex galay.

Dhacdadaan ayaa aad ula yaabay dadka ku nool Xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warta-Nabada,waxana hada halkaasi ku sugan ehelada Ninka la dilay iyo dad aad u yaqaanay oo ka naxay dilkiisa.

Xiriir ayaan la sameynay maamulka degmada Warta-Nabada si aan wax uga weeydiino halka ay ku dambeeyaan dhalinyaradii ka dambeysay dilka Ninkaas,balse nooma suurtagelin.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment