3342 Views

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 14, 2017 – Wararka ka imanaya Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Qof Taksiile ahaa uu ku dhintay kaddib markii uu qarxay Gaariga oo uu watay.

Xilliga uu qarxayay Gaariga waxaa uu maryay Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4, waxaana uu ku qarxay meel ka soo horjeedda Hotelka Jazeera ee Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Qaranimo Online  Qofka Taksiilaha ah uu qabsaday Qarax ku xirnaa gaariga uu watay oo ay sheegeen in lagu dhejiyay.

Qofka dhintay ee Taksiilaha ah ayaa magaciisa lagu soo koobay Mahad, waxaana goobta gaaray Ciida o ka tirsan Dowladda oo xiray Waddada uu qaraxa ka dhacay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment