2754 Views

Haweeney saygeeda uu ku dilay dalka UK

Haweeney saygeeda uu ku dilay dalka UK
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 24, 2017 – Aadan Daahir oo ah Soomaali ayaa Xaaskiisa ku dilay Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska kaddib markii ay ku murmeen gudaha guriga ay ka degganyihiin Magaalada.

Haweeneyda dhimatay waxaa lagu magacaabayay Aasiya Cumar oo 27 jir ahayd islamarkaana Aadan ay is qabeen muddo 9;Sano ah.

Aadan ayaa dilka Aasiya u adeegsaday Toorrey waxaana uu labo jeer Middida kaga dhuftay labada dhinac,iyada oo mid ka mid ah ay jartay wadnaha sababtayna in ay dhimato.

Aasiya waxaa ay Aadan u dhashay 2; Carruur ah oo 8; jir iyo 4 jir kala ah,walina lama xaqiijin sababta Aadan ku qasabtay dilka xaaskiisa.

Booliska Magaalada Bristol ayaa wada baaritaan la xiriira dalka uu Aadan Daahir u geystay Xaaskiisii Aasiya Cumar oo ay wada noolaayeen muddo sagaal Sanadood ah.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment