2376 Views

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo markii ugu horeysay la geeyay magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo markii ugu horeysay la geeyay magaalada Dhuusamareeb.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14, 2017 – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Xaruta Gobalka Galgaduud  ee Soomaaliya ayaa soo sheegayo in markii ugu horeysay Ciidamo ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM lagu arkayo Bartamaha magaalada waxaana halkaasi ka baxaya Ciidamo ka tirsan Ethiopia oo aan ka diiwaan gashaneen Howlgalka AMISOM.

Qaar ka mid ah Shacabka ku nool Magaalada Dhuusamareeb ayaa  Qaranimo Online u sheegay in ay Magaalada ka baxeen Ciidanka Ethiopia ee mudada dheer ku sugnaa gobalka gaar ahaan Magaaalada Dhuusamaree islamarkaana ay soo gaareen Ciidan kale AMISOM ah.

Saraakiisha Amaanka maamulka Ahlusunna ayaa sidoo kale Qarnimo Online  u xaqiijiyay in Ciidankii Ethiopia ee ka amar qaadanayay Maamulka Ahlusunna magaalada laga saaray laguna badalay Ciidan kale oo ka socda Dalka Ethiopia lkn ka amar qaata Howlka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamadii Ethiopia ee ka baxay dhuusamareeb ayaa mudo dheer halkaasi ku sugnaa,  waxaana ay ahaayeen Ciidan ka amar qaata Maamulka Ahlsunna ee Gobalada dhexe.

Xubno ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Ahlsunna oo magacyadooda ka gaabsaday ayaa sheegaya in arintaan ay salka ku heyso wadahalo dhaxmara Maamulada looga kala Arimiyo Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Galmudug iyo Ahlsunna.

Galmudug ayaa adeegsaneyso Xeelado Siyaasadeed oo ay ku raadineyso mideynta labada Maamul inkastoo aysan aheyn Wax-fudud iyo Waqti dhaw in Maamulka dadkiisa ku kaceyn ee Ahlsunna laga dhaa-dhiciyo ku biiritaanka Galmudug.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment