1296 Views

Sirdoonka Imaaraadka Oo Kenya U Adeegsada Carqaladaynta Midnimadda Somalia

Sirdoonka Imaaraadka Oo Kenya U Adeegsada Carqaladaynta Midnimadda Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 20, 2019–Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Barlamaanka dalka Kenya, Faarax Macallim Maxamed “Dawaare” waxa uu ku eedeeyey Sirdoonka dalka Imaaraadka Carabta  inay dalka Kenya ka dhigtaan goob ay fuliyaan qorshahooda ku aadan Deganaansho La’aanta ee dalka Somalia.

Siyaasiga Faarax Macallim oo G/Xigeen ka ahaa Barlamaanka Kenya sannadihii 2008-dii ilaa 2013-kii waxa uu si toos ah u sheegay inay Sirdoonka Imaaraadka u adeegsanayaan Kenya sidii loo carqaladeyn lahaa Midnimada iyo Deganaanshaha Somalia.

Siyaasigaasi waxa uu bartiisa Twitter-ka ku muujiyey inay magaalladda Nairobi haatan fariisin ama Buul u noqotay Dhaqdhaqaaqyadda Sirdoonka Imaaraadka ee ay kaga soo horjeedaan Midnimadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Waxa uu ugu baaqay dadka Reer Kenya inay iska diidaan waxa ay doonayaan Imaaraadka iyo qorshahooda dagaalka qabow ee ay kula jiraan Somalia.

 

Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Barlamaanka dalka Kenya, Faarax Macallim Maxamed “Dawaare” waxa uu Twitter-kiisa ku muujiyey in Muranka xuduud-baddeedka haatan hor taalla Maxkamadda Caalamiga ee ICJ, isla markaana ay Muqadas tahay Madax-bannaanida Xuduudeed ee dhamaan dalalka ku yeella Geeska Afrika.

 

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo sannadkii 2018-kii, Dowladda Imaaraadka Carabta waxay faragelin joogto ah ku hayaan Arrimaha Gudaha Somalia, iyagoo Saldhig Milliteri iyo Dekeddo ka samaystay qeybo ka mid ah Somaliland iyo Puntland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment