3474 Views

Xildhibaan Odawaa oo diiday inuu kamid noqdo guddiga kiiska Qalbi Dhagax

Xildhibaan Odawaa oo diiday inuu kamid noqdo guddiga kiiska Qalbi Dhagax
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 18, 2017  – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa oo horey usoo noqday wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa cudurdaar ka bixiyey inuu kamid noqdo guddiga loo xil saaray kiiska Qalbi Dhagax.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa maanta soo saaray liiska guddiga gaarka ah ee loo xil saaray inay go’aan kasoo saaraan go’aankii ay xukuumadda ka qaadatay kiiska Qalbi Dhagax.

Liiskaas waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Odawaa, balse wuu ka cudur daartay inuu kamid noqdo, isagoo sheegay inuu safar shaqo oo dibadda ah uu ku maqan yahay , isla markaana aanay u saamixi karin inuu Guddigaas kala shaqeeyo arrinta loo xil saaray, isagoo xusay inuu ka cudur daaranayo.

“Safar shaqo ayaa dibadda ugu maqanahay, inaan guddigaas ka mid noqdo waa ka cudur daaranayaa, anigoo aysan ii saamaxeyn inaan guddigaas la shaqeeyo iyo mudada guddigaas loo qabtay oo aan dalka ka maqanahay”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu cid kale booskaas u magacaabo, maadaama uu Odawaa ka cudr daartay.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment