2214 Views

Dhaq dhaqaaq Al-Shabaab oo lawareegay gacan ku haynta deegaanka Tarako ee Gobolka Gedo

Dhaq dhaqaaq Al-Shabaab oo lawareegay gacan ku haynta deegaanka Tarako ee Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 26, 2017 — Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaanka Tarako ee Gobolka Gedo, kaddib markii shalay gelinkii dambe ay isaga baxeen Ciidankii Kenya ee muddo dhowr sano ku sugnaa deegaankaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in deegaanka ay si nabadoon kula wareegeen, ciidankoodana ay si buuxda gacanta ugu hayaan.

Ciidamada Kenya ayaa maalmo ka hor baneeyay saldhig ay ku lahaayeen degmada Baardheere, iyagoo u jiheystay dhanka degmada Ceel Waaq.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee ka baxay deegaanada ay doonayaan inay xaqiijiyaan ammaanka deegaanada u dhow xuduuda ee maalmihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay weerarayeen.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment