3363 Views

Sawiro:- Maalin muhiim u ah aduunka oo maanta Muqdisho laga xusay

Sawiro:- Maalin muhiim u ah aduunka oo maanta Muqdisho laga xusay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 27, 2017 — Munaasabad lagu xusayay  maalinta caalamiga ah ee Dalxiiska aduunka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho xilli ay Dalkeenna uu xubin buuxda ka noqday hay”adda  Dalxiiska Q. M,13 Bishan.

Xafladdaasi waxaa ka qeybgalay mas’uulayiin ka tirsan dowladda Federaalka Somaaliyaha Hay’adda  iyo ururrada dalxiiiska dalka iyo  fananniinta Kooxda Banaadir.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Sh, Yuusuf iyo Yaasir Maxamed Baafo ayaa ka hadlay ujeedada ay leedahay munaasbadan waxeyna guul weyn ku tilmaameen in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay Hey’adda Dalxiiska adduunka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fahma Abiikar Nuur iyo  Wasiir Ku xigeenka Wasaradda Gar gaaar Cilmi Cumar Ciise  ayaa bogaadiyay dadaalka dheer  ee loo soo galay xubinnada Soomaaliya ee dalxiiska Aduunka.

Gudoomiyaha Gobalka Benaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa tilmayay in ka maamul ahaan ay sameyn  doonaan qorshayaal lagu horumarinayo dalxiiska Caasimada.

Wasiirka Wasaaradda Warfafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng: “Yariisoow” ayaa sheegay ay muhiimad gaar ah u leedahay dalka  ku biiritaanka hey’adda dalxiiska adduunka iyo dalxiisayashaba.

g2g30000.22

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment