2964 Views

Madaxweyne Farmaajo oo maanta xariga kajaraya Saldig Milateri ee Turkiga

Madaxweyne Farmaajo oo maanta xariga kajaraya Saldig Milateri ee Turkiga
____________________________________________________________________________

Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya qaban qaabo ku aadan munaasabadda xarrigga looga jarayo dhismaha xaruntii tababarka Ciidamada oo ay hirgelisay Dowladda Turkiga,taasi oo la filayo in maanta si rasmi ah loo furo.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalaya mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga,iyadoo saldhigani loogu talagalay in markiiba lagu tababari karo ilaa 10,000 oo askari.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Turkiga Hulusa Akar,iyadoo saaka lafilayo in ay Muqdisho soo gaaraan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Turkiga si ay uga qeybgalaan munaasabdda xarig jarka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga,ayaa kala hadlay sidii Dowladda Turkigu ay u kordhin lahayd taageerada ay u fidinayso Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment