2862 Views

Xoghayaha Guud Ee QM Oo Ka Hadalay Mashaqadii Ka Dhacaday Muqdisho

Xoghayaha Guud Ee QM  Oo Ka Hadalay Mashaqadii Ka Dhacaday Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 18 October 2017 – Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu xalay la kulmay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/llaahi Xaamud Maxamed.

Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta QM ee magaalladda New York waxa uu si Shaqsi ahaan ugu gudbiyey dhambaalkiisa Tacsida ee ku aadan dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay Qaraxaasi.

Afhayeenka QM, Stephane Dujarric ayaa sheegay inuu Xoghayaha Guud ee QM codsaday inuu si Khaas ah ula kulmo Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/llaahi Xaamud Maxamed, kadib, qaraxii ka dhacay Muqdisho oo noqday Qarixii ugu dhimashada badnaa Caalamka sannadihii la soo dhaafay.

Afhayeenka waxa kale oo uu tilmaamay inuu Antonio Guterres xaqiiq ahaan doonayey inuu u gudbiyo Tacasidiisa, lana hadlo Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/llaahi Xaamud Maxamed oo isaga Xarunta Dhexe ee QM kaga qeyb galayo  Shirka Dhaqdhaqaaqa ee Toddobaadka Afrika “The Africa Week activities”.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu bishii March ee sannadkan booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho,  si uu u soo qiimeeyo Macluushii ka jirtay Somalia.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment