5313 Views

26 Qof Oo Ku Dhimatay Toogasho Ka Dhacday Kaniisad Ku Taalla Mareykanka

26 Qof Oo Ku Dhimatay Toogasho Ka Dhacday Kaniisad Ku Taalla Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | November 06, 2017 — Ugu yaraan 26 Qof ayaa dhimatay kaddib markii Nin hubeysan uu toogasho ka geystay kaniisad ku taalla Gobolka Texas ee Dalka Mareykanka.

Greg Abbott ,oo ah Guddoomiyaha Gobolkaas ayaa xaqiijiyay in dhimashado korodhay kaddib markii Ninka oo weerarka ka billaabay Iridda Kaniisadda uu ilaa gudaha dad ku dilay.

Waxaa uu sheegay in tani ay tahay dhimashadii ugu badneyd ee Taariikhada Gobolka Texas ee Dalka Mareykanka.

Hay’adda FBI-da ayaa sheegtay in Ninka weerarka qaaday la toogtay oo uu dhintay kaddib markii ay Rasaas is weydaarsadeen Ciidamada amaanka oo goobta durbo gaaray.

Madaxa amaanka Texas Freeman Martin,ayaa sheegay in Dadka dhintay ay da’doodu u dhaxeyso 5-72 jir ku jiray Kaniisadda xilligii ay dhaceysay Toogashada.

Martin,waxaa uu sheegay in Ninka weerarka geystay uu ku jiray da’da 20ka,aadna u tababarnaa,kaas oo dhamaantiis isku qariyay wax madow,islamarkaana adeegsanayay qoriga otomaatigga u dhaca,taas oo sababtay waxyeellada badan.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya in Ninka weerarka geystay lagu magacaabo Devin P Kelley, oo 26, jir ah,laakiin laanta FBI-du wali ma shaacin magaca rasmiga ah ee Ninka weeraray Kaniisadda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment