2472 Views

Kenya Oo Amni darro darteed u joojisay Gaadiidkii Mandheera iyo Nairobi

Kenya Oo Amni darro darteed u joojisay Gaadiidkii Mandheera iyo Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 8  November 2017 – Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay Gaadiidkii dadweynaha ee Mandheera iyo nairobi isaga kala gooshi jiray kaddib markii ay kordheen weerarrada Al-shabaab ay ka geysanayaan inta u dhaxeysa labada Magaalo.

Waddada isku xirta Mandheera iyo Nairobi waxaa maalinlle u adeegsada dadweyne farabadan,oo Waxbrasho,Ganacsi iyo howllo kaleba u taga Magaalada Nairobi.

Guddoomiyaha Mandheera Fredrick Shisia ayaa sheegay in muddo saddex maalmood ah la hakiyay isu socdka dadka iyo Gaadiidka ee Nairobi iyo Mandheera islamarkaana amniga la xaqiijinayo maalmahaas.

Isniintii ayaa Gaari ay la socdeen 12 Booliska ah oo galbinayay kuwa dadweynaha waxaa ay Miino kula kacday inta u dhaxeysa Labada Magaalo,inkasta oo uusan Khasaare ka dhalan haddana Dowladdu waxaa ay hakisay isu socodkii si ay u xaqiijiso amaanka.

Mr Shisha waxaa kale oo uu sheegay in Gaadiidka Mandheera iyo Wajeer ay shaqeynayaan laakiin ay si dhif ah oo taxadar ku jiro u shaqeynayaan,waxaana uu amray in uusan jirin dhaq dhaqaaq Mandheera iyo Nairobi ah inta ay dowladda ka xaqiijineyso amaanka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

______________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment