3867 Views

Cali Guudlaawe oo ka warbixiyay booqasho uu ku tegey Balcad, Warsheekh iyo Muqdisho

Cali Guudlaawe oo ka warbixiyay booqasho uu ku tegey Balcad, Warsheekh iyo Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 16, 2017–Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen oo maanta dib ugu soo laabtay caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle ee Jowhar ayaa faahfaahin ka bixiyay booqasho uu ku tegey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe iyo gobolka Banaadir.

Cali Cabdulaahi Xuseen Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabele ayaa dib ugu soo noqoshadiisa magaalada Jowhar waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay mas’uuliyin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle,Maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan degmada Jowhar.

War kooban oo uu saxaafada ku siiyay xarunta uu ka degen yahay magaalada Jowhar ayuu Cali Guudlawe Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ku sheegay in uu kula kulmay degmooyinka Balcad iyo Warsheekh mas’uuliyiinta degmooyinkaas uuna kala hadlay  dardar gelinta howlaha uu maamulku u hayo bulshada.

“Intii aan ku jirey safarka waxaan ka qeybgalay dhagax dhig loo sameeyay isbitaalka degmada Balcad sidoo kale degmada Warsheekh waxaa ay dowlad goboleedka Hirshabelle dhagax dhigtay dhismaha wadada isku xirta degmada Warsheekh iyo magaalada Muqdisho.”ayuu yiri Cali Guudlawe Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay barwaaqada ka jirta gobolka iyadoo roobab wanaagsan ay ka da’een guud ahaan Hirshabelle waxana uu ugu baaqay beeralayda inay ka faa’ideystaan raxmada Eebe ayna kordhiyaan wax soo saarkooda dhinaca beeraha.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment