3807 Views

Daawo Sawirada :-Wefdi Ka Socda WFB Iyo Safaarada Talyaaniga Oo Maanta Hobyo Gaaray

Daawo Sawirada :-Wefdi Ka Socda WFB Iyo Safaarada Talyaaniga Oo Maanta Hobyo  Gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 6, 2017– Garoonka diyaaradaha magaalo xeebeedka Hobyo maanta ka dagtay diyaarad siday wafdi ka socda hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cunta WFP iyo xubno ka socda safaaradda Talyaaniga. Wafdigan ayaa sidiiran waxaa garoonka ugu soo dhaweeyey Madax ka tirsan Galmudug iyo maamulka Degmada.

Wafdigan ayaa loo galbiyey gudaha magaalada halkaas oo ay kulan kula qaateen Masuuliyiinta, saraakiisha WFP ayaa u tagay Hobyo si ay u kormeeraan mashaariic halkaasi ka socota oo ay maalgaliyaan iyo qiimeyntii ugu dambeysay sida ay mashaariic balaaran uga fulin lahaayeen halkaasi

sidoo kale WFP ayaa daneynaysa in mucaawinada u socota deegaanada Galmudug laga soo dajiyo dekekada Hobyo sida Saraakiisha ay sheegeen.

Dhanka kale Xubnaha ka socday safaaradda Talyaaniga ayay aheyd markii ugu horeysay ay halkaasi tagaan, iyagoo sheegay in deegaanada Galmudug ka fulin doonaan mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha Xabsi weyn iyo taageeridda hay’adda cadaalada iyo kuwa amniga.

 

bv bv2 bv3 bv5

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment