2868 Views

AMISOM Oo Booliska Soomaaliya u Tababareysa Ka Hortaga Aaladaha Qarxa

AMISOM Oo Booliska Soomaaliya u Tababareysa Ka Hortaga Aaladaha Qarxa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL January 1, 2018Booliska AMISOM ayaa tababar soconaya 10-maalin Muqdisho ugu furay Ciidamada Booliska Soomaaliya, kaasi oo lagu barayo sida fudud ee lagu ogaan karo Aaladaha Qarax ee loo yaqaano “Improved Wired Explosive Devices (IEDs)”

Tababarka ayaa loogu tala galay in lagu qalabeeyo saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana sidoo kale intuu socda lagu baranayaa Xirafado muhiim ah oo looga hortagayo, laguna xakameynayo, sidoo kalena lagula dagaallami karo weerarrada Qaraxyada ee Shabaab.

Aaladaha Qarax waxay noqdeen hubka ugu muhiimsan ee Argagixisada ay doorbideen iney u adeegsadaan dagaalada magaalooyinka waa weyn iyo waliba iney ku aasaan wadooyinka, taasi oo loo arko iney tahay qatarta ugu weyn ee Ammaanka iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Sarkaalka AMISOM ee Tababarkaan bixinya oo lagu magacaabo Hassan Guhaad C/laahi, ayaa sheegay in tababarkaan muhiim u yahay Ciidamada Booliska Soomaaliya sababtuna ay tahay in Al-Shabaab hadda hubka keliya ay adeegsadaan ay tahay Walxaha Qarxa (IEDs), islamarkaana sababa dhimashada dadka iyo bur burka dalka.

 

 

 

”Waxa ugu muhiimsan ay hadda barteen waa in loo diido Kooxda Nabadiidka fursada lagana hortago iney sidaasi sameeyaan,iyadoo loo marayo si xeeladeysan,” Ayuu yiri Sarkaalka tababarkaan fulinaya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment