2046 Views

Muwaadinin Soomaaliyeed oo ka soo hormuuqan doono maxkamad ku taala Mareykanka

Muwaadinin Soomaaliyeed oo ka soo hormuuqan doono maxkamad ku taala Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 22, 2018 – Abdirahman Shiekh Mohamud oo ah nin Soomaali Ameerikaan oo lagu soo eedeeyay falal amaanka mareeyka liddo ku ah ayaa maanta oo isniin ah waxaa lagu wadaa in kasoo muuqdo  maxkamadda Federaalka ee colmubus.

Abdirahman oo kal hore jeelka la dhigay ayaa lagu soo eedeeyay in uu kasoo barbar dagaalamay kooxdaha argagaxida uu mareeykanku ku tilmaamo ee intooda badan fadhigooda gobolka colaaduhu ey la dageen ee bariga dhexe.

Ninkan ayaa la qabtay sanadki 2015-kii waxa eyna xilligaa kooxaha mukhaabaraadka ee mareeykanku ku eedeeyeen Abdirahman inuu usafray wadanka Syria halkaa oo uu ku soo bartay sida hubka nuucyadiisa kala duwan loo isticmaalo iyo waliba qaababka shirqoolada loo fuliyo sida ey hadalka udhigeen.

Labo sano in kabadan oo maxakamd ujoog uu ahaa eedeeysahani wali documnetiyadiisa lagu daabacin in uu galay falalka lagu soo eedeeyay.

Xeer ilaalilnta mareeykanka ayaa isku dayeeysa in ey dardar galiso sidii xukun ka danbeeysa looga gaari lahaa maxkamadeentan mudada dheer soo jiidameeysay.

Waxa uuna mudankaraa  danbiyada loo heesto haddii lagu helo xarig muddo dheer ah.

Qareenka Cabdiraxmaan Shiekh Maxamed oo lagu magacaabo Sam shamansky ayaa sheegay macno badan eysan sameeneeyn in xabsi waqtigiisu dheeryahay Cabdiraahmaan garka loo galiyo.

Xaakimka maxkamad garwadeenka ka aha Micheal Watson ayaa jimcihii lasoo dhaafay joojiyay dhageeysiga maxkamadda waxa uuna dib udhacay ilaa isniinta maanta ah isaga oonan sheegay sababta keentay dib udhaca dacwadan.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment