2400 Views

Daacish oo sheegatay weerarkii Saaka ee Kabul

Daacish oo sheegatay weerarkii Saaka ee Kabul
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 29 Jan, 2018 –Ugu yaraan 5 Askari iyo 4 dagaallamayaal ka tirsan Daacish ayaa ku dhintay iyada oo 1o Askari oo kuwa dowladda Afghanistan ah ay ku dhaawacmeen kaddib markii saaka rag ka tirsan Ururka Daacish ay weerar ku qaadeen Xarun lagu tababaro Ciidamada dowladda Afghanistan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Afghanistan oo lagu magacaabo Dawlat Waiziri , ayaa sheegay in shan ka mid ah Askarta dowladda ay ku dhinteen weerarkii saaka 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenku waxaa uu intaas ku daray in Ragga weerarka qaaday oo shan ahaa 4 ka mid ah la toogtay halka midka shanaadna la xiray oo uu hadda ku jiro Ciidamada Dowladda.

Ragga weerarka qaaday ayaa isku dayay in ay gudaha u galaan dhisamaha kaddib markii ay Iridda hore Qarax ku fureen,hayeeshee dhowr koontarool oo uu dhismaha lahaa aysan u suuragelin in ay gaaraan halkii ay doonayeen.

Mareegta wararka u faafisa Daacish ee Acmaaq ayaa sheegtay in weerarkaas ay ka dambeysay Daacish weerarna ku qaadday xarun lagu tababaray Ciidamada Dowladda Afghanis

 

Daacish waxaa ay horay u sheegatay weerarkii Magaalada Jalalabad ee lagu qaaday Xarunta Hay’adda Save The Children,taas oo Daacish ku sheegtay in goobtu ahayd xarumo ay leeyihiin dowladaha Ingiriiska iyo Sweden.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment