1878 Views

Guddiga Doorashooyinka Oo Sheegay in La buuxinayo Kuraasta Banaan.

Guddiga Doorashooyinka Oo Sheegay in La buuxinayo Kuraasta Banaan.
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | 29 Jan, 2018 –Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in Kuraasta ka banaan Golaha Shacabka in ay yihiin 3 balse ay dhawaan Buuxinayaan.

Waxa ay sheegtay in Buuxintooda ay marayaan Deegaan Doorashadii laga soo doortay Kuraasta, afar kursi ayee sheegtay in ay banaanaayeen, balse kursi kamid ah ay Shalay Doorashadiisa qabteen.

Xaliimo Yareey ayaa tibaaxday in Guddigooda ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin loo qabto dadkii Buuxin lahaa Kuraasta banaan, taasine ay la kaashanayaan Maamul Goboleedyada.

Doorka Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Shacabka Deegaan Doorashada kuraasta leh ayee ku sheegtay in ay ka qeyb qaadan karto in si fudud loo buuxiyo Xubnaha ka banaan Kuraasta Golaha Shacabka.

Kuraasta la buuxinaya waxaa baneeyey Xildhibaano Geeriyooday iyo kuwa isaga tagay, waxaana dhawaan Maxkamadda sare ee dalka loo Gudbiyey Dacwad ka dhan ah Kuraasta ka banaan Golaha Shacabka.

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ayaa isku diyaarinaya qabashada Doorasho Qof iyo Codkii ah oo Dalka ka dhacda sanadka 2021-ka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment