1254 Views

Daawo:-Xildhibaan sheegay in Ergadii soo dooratay u yeereen Al-Shabaab

Daawo:-Xildhibaan sheegay in Ergadii soo dooratay u yeereen Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 10, 2019 —Xildhibaan Maxamed Xuseen (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xilligaan Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan dalka,isla markaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay waxka qabato.

 

Waxa uu sheegay in haatan ay mareyso in Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka ay u yeeraan Al-Shabaab,isla markaana Ergadii isaga soo dooratay ay ka mid yihiin kuwa ay u yeereen Al-Shabaab.

“Runtii waxan maqlay in dhamaan ergadii nasoo dooratay loo yeeray,aniga hadda idinla hadlayo ergadii i soo dooratay waxaa ay ku sugan yihiin deegaanka Iidaale oo looga yeeray,marka waxaana rabaa in Al-Shabaab aan u midowno lana dagaalano ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

 

Hadalka Xildhibaan Afaraale ayaa kusoo aadaya xilli horay loo dilay qaar ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha Shacabka,waxaana dilalkaas mas’uuliyadooda sheegtay Al-Shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment