2568 Views

Dowlada Kenya oo ku tilmaamtay tilaabadii Raila Odinga mid burcadnimo ah

Dowlada Kenya oo ku tilmaamtay tilaabadii Raila Odinga mid burcadnimo ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 31, 2018 Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta NRM ee mucaaradka Kenya u yahay mid burcad ah.

Dhaqdhaqaaqa NRM ayaa qeyb ka ah isbaheysiga mucaaradka ee NASA, waxaana tallaabada dowladda Kenya ay timid kadib markii mucaaradka Kenya ay shalay iyaguna xilka madaxtinimada ee Kenya u dhaariyeen hogaamiyaha Mucaaradka Kenya, Raila Odinga.

Raila Odinga ayaa kasoo hor muuqday kumanaan qof oo isugu soo baxay beerta xorriyadda ee Uhuru Park ee magaalada Nairobi, halkaas oo lagu dhaariyay in uu yahay “madaxweynaha shacabka” Kenya.

Raila ayaa ku dhaartay in uu illaalin doono dastuurka dalka, islamarka na uu hoggaamin doono Kenya.

Hadal kooban oo uu jeediyay Raila dhaarta kadib ayuu sheegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment