2196 Views

Guudlaawe ”Maamulka Hirshabeele kuma filna gurmadka biyo la’aanta ka jirta deegaamada…”

Guudlaawe ”Maamulka Hirshabeele kuma filna gurmadka biyo la’aanta ka jirta deegaamada…”
____________________________________________________________________________

Jowhar | QOL | February 15, 2018 – Kusimaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ahna Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa sheegay in dowlad goboleedka Hirshabeele aysan kaligiis ku filnayn gargaarka loo fidinayo kumanaan qoys oo biyo la’aan ku hayso Hirshabelle waxana uu ugu baaqay Dowlada Federalka iyo Beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii loo samatabixin lahaa kumanaan qoys oo ay biyo la’aan soo foodsaartay kadib markii uu wabiga Shabelle uu guray.

Biyaha wabiga Shabelle oo guray awgeed ayaa kumanaan qoys waxaa soo foodsaartay biyo la’aan iyadoo cudurka shuban biyoodkana uu soo ridanayo dadka ku nool hareeraha wabiga Shabelle iyo kuwo ku dhow dhowba.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa baaqan direy xilli uu maanta booqday deegaanka Bayaxaw oo ka mid ah deegaanada ay saameyeen biyo la’aanta.

“Waa xaalad bani’aadanimo oo u baahan in qoysaskan biyo dhaamis deg-deg ah loo sameeyo,ceelal loo qodo dowlada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa dowlada federalka,golaha shacabka iyo Aqalka Sare inay gacan ka geystaan sidii dadkan loo gargaari lahaa”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulahi Xuseen.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa sheegay in cuduro ay ka dilaaceen deegaanada ku teedsan wabiga Shabelle ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe dowlad goboleedka kaliyana aysan ka awoodin inay wax u qabtaan shacabka ku dhibaateysan Hirshabelle.

Qoysas farabadan ayaa bilaabay inay biyo la’aan awgeed ugaga barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen iyagoo biyo u soo raadsaday deegaanada ay ka heli karaan biyo. Wabiga Shabelle ayaa mara labada gobol ee ku midoobay Hirshabelle waxaana nolosha wabiga ku xiran dad gaaraya malaayiin ruux oo ku nool labada gobol.

biyo-dhamin-3 biyo-dhamin-7 biyo-dhamin-5 biyo-dhamin-2 biyo-dhamin-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment